Saraakiil AMISOM Ah Oo Booqdey Daryeel Hospitaal Marka, Lana Gudoonsiiyey Shahaado Sharaf (Sawiro)

Taliska Ciidamada AMISOM ee ku yaalla Xaafadda Ayuub ee magaalada Marka yaa booqasho ku tagey Isbitaalka Daryeel ee ku yaalla Xaafadda Horseed ee Magaalada Marka.

Sarkaalka qaabilsan dhinaca howlgelidda Ciidamada iyo madaxa Caafimaadka ee Taliska Ayuub ayaa kormeerey Isbitaalka Daryeel oo bilowgii sanadkan ay ugu deeqeen agab Caafimaad, waxaana ay u kuur galaayeen sida uu u shaqeeyo Isbitaalka.

Intii ay joogeen Isbitaalka ayey Warbixinno ka dhageysteen howlwadeenada Caafimaad ee Isbitaalka, iyo Gudiga aasaasey Daryeel, oo intii uu jirey badbaadiyey bukaano badan oo qabey cuduro kala duwan.

Saraakiisha ayaa howlwadeenada Isbitaalka ku amaanay shaqada adag ee ay u haayaan bulshada, iyagoo ku shaqeenaya dhaqaale la’aan, maadaama aanay jirin hey’ad ama Urur dhaqaale ku bixiya.

Ururka horumarinta Bulshad ee hirgeliyey Isbtaalka Daryeel ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey laba Sarkaal oo door muhiim ah ku lahaa qalabeynta Isbtaalka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE