Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadley Amarkii Wasiirada Lagu Soo Rogey “Shaqadeyda Cidna Fasax Uga Qaadan Meyo” (Video)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa wax laga weydiiyey amarka Wasiirada ee la xiriira Warbaahinta xilli uu La hadlayey BBC waxaana la waydiiyey, ogolaasha uu u haaysto wareysiga.

“Wixii la xiriir Shaqadayada Ogolaansho Uma Qaadan doono, Shirkan anigaa Qaban qaabiyey waa Shaqadayadadii, Laakiin hadii aan ka hadlayo waxyaabo aan Shaqadayda ahaan Malaha Taasi ayaa loo jeedaa “ Ayuu yiri Wasiir Juxa.

Dhinaca kale mar la waydiiyey inuu Isticmaalo Baraha Bulshada ayaa wuxuu sheegay  Waan isticmaalaa, Laakiin waan Aqaan waxaan gelinayo iyo waxay tahay inaan ka Fiirsado Intaba” .

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE