Dagaal Khasaare Geystey Oo Ka Dhacey Deegaanka Jeex-din Ee Gobolka Mudug

Deegaanka Jeexdin oo qiyaas ahaan 20 km u jira magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in halkaas uu ka dhacay dagaal muran uu ka taaganyahay cidda uu u dhaxeeyo.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sugan Jeexdin ayaa sheegey in weerar gaadma ah lagu soo qaadey, waxaana ay tilmaameen in dhinaca Galmudug uu kaga yimid weerarka, islamarkana ay is difaaceen.

Khasaaraha la xaqiijiyey ee soo gaarey Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa shan dhaawac oo qaarkood la gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Aroornimadii Saake ayaa halkii lagu dagaamay waxa lagu arkeyn Nin Meyd ah oo xiran Maryaha Madow ee astaanta u ah Kooxda Alshabaab oo ku qoranyahay magaca Koox Ciidan oo shabaabku adeegsadaan.

Warbaahinta Muqdisho ayaa dagaalkaas ku sheegtey mid u dhaxeeya laba maleeshiyo oo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug, iyadoo dagaalka la tilmaamey in uu la xiriirey aanooyin qabiil.

Halka dagaalkii xalay uu ka dhacay ayaa ah deegaan hore loogu duqeeyey Ciidamo taabacsan Galmudug oo uu hogaaminayey horjooge Shabaab ah, waxaana markaas laga war helay inay qorshenayeen weerar kedis ah oo ay ku qaadaan duleedka Garoonka Gaalkacyo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE