Isku Shaandheyn La Filayo In Lagu Sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Iyo Wasiiro Laga Yaabo…

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood waxa laga yaabaa in uu isbedel ku dhaco, halka kuwo kale la filayo in laga wareejiyo Xilalka ay hadda haayaan islamaraakan loo wareejiyo xilal kale.

Sababta ka dambeysa in Xukuumadda lagu sameeyo isku shaandheyn ayaa la sheegay sidii looga badbaadin lahaa Mooshin abaabulkiisa ay wadaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaa sidoo kale jira warar soo baxaya oo tilmaamaya in Wasiirada qaar ay ku fashilanyihiin shaqooyinkii laga sugaayey.

Wasiirada Laga yaabo Inay la degto ama ay saameyn ku yeetalo iskushaandheynta halkan hoose ka aqriso

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha

Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda

C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka

Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka wabarashads iyo tacliinta sare

Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha

Eng. C/raxmaan Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta

Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE