Macallin Dugsi Oo Maanta Lagu Dhaawacey Magaalada Marka

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa lagu dhaawacey Nin macallin Dudsi oo ku sugnaa Xaadadda Beyturaas ee Waqooyiga magaalada.

Ninka la dhaawacey ayaa waxa magaciisa lagu sheegey Axmed Xasan Maxamed (Axmed Madoobe), waxaana rasaas looga dhuftey labada lug, iyadoo uu soo gaarey dhaawac halis ah oo sababey in uu ka jabo laba lugood.

Dad goob joogayaal ah ayaa Markacadey.com u sheegey in dhaawaca Macallin Axmed Madoobe ay geysteen Maleeshiyaad taabacsan kooxda Alshabaab oo siyaasad ahaan maamusha qeybo ka mid ah magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE