Madaarista Ku Yaalla Dalka Hindiya Oo Lagu Kordhinayo Barashada Casharada La Xiriira Furiinka Sharcig Ah

Hay’adda oo lagu magacaabo Dargah-E-Ala Hazrat, oo maamusho 15 kun oo madaraso, ayaa ku dhawaaqday go’aanka ka dib amarkii maxkamadda ay ku joojisay furriinka seddaxda dalaaqo ee halka mar lagu wada dhawaaqo.

Culimada Muslimiinta ayaa furriinka noocaas ah ku tilmaamay mid aan xiriir la lahayn shareecada Islaamka. Sheekh ka tirsan hay’adda ayaa tilmaamay in ay casharada ku dari doonaan qeyb dhan oo ka hadlaysa sida ninka uu xaaskiisa u furo.

Manhajdka hadda la baro caruurta, waxaa ku jiro casharo la xiriiro furriinka, balse ma ahan kuwo faafaahsan.

“Kullan ayaan u qabanay macallimiinta madaarista ka dib go’aankii maxkamadda, waxaana ku heshiinay in bulshada laga wacyigeliyo dhanka iskuullada iyo masaajidda loona sheego nooca uu yahay furriinka saxda ah,” ayuu yiri Maulana Shahbudin Razvi, oo ka mid ah culimada xarunta Samiratmaj Mishra ee Hindiya.

Wuxuu intaa ku daray in furriinka Hindiya sida wayn uga jiro uusan waafaqsaneyn shareecada Islaamka. Ma caddo da’da caruurta lagu barayo casharada furriinka, balse kuwa madaarista dhigto badankooda waxay jiraan 5-16 sano.

Madaarista waxaa u badan wiilal, waxaana la filayaa in farriimaha la baahiyo oo qoysaska la gaarsiiyo sida uu sheegay Rizvi. Marka la sameeyo manhajka cusub, waxaa loo gudbinayaa dhammaan madaarista si ay u fuliyaan.

Qeybaha cusub ee manhajka lagu kordhinayo waxaa la filayaa in ay diyaar noqdaan bisha July ee 2018-ka, xilligaas oo iskuullada ay dib u furmayaan.

BBCSOMALI

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE