Weerar Dhaawac Iyo Dhimasho Loogu Geystey Dad Beeraley Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Shalambood

Wararka aan ka heleyno Gobolka shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maanta weerar hubeysan lagu qaadey dad beeraley ah oo ku sugnaa Beerahooda.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegayaa in ay weerareen beer ku taalla deegaan lagu magacaabo Gariir-kuullow oo todoba Kiilo mitir u jirta Shalambood ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dadka Beerta lagu weerarey ayaa ahaa laba wiil oo dhalin yara ah oo Waardiye ka haayey Qare, waxaana lagu kala magacaabaa Maxamed Abuukar Farey iyo Cabdi Xasan Amaan, iyadoo weerarka ay soo qaadeen Mooryaan hubeysan oo ku sugnaa Beerta Jeebey.

Allah u naxriistee Weerarka ayaa waxa ku geeriyoodey Cabdi Xasan Amaan, halka dhaawac uu soo gaarey Maxamed Abuukar Farey oo dhaawaciisa kala soo baxsadey goobta.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE