Ciidamada Dowladda Oo Burburiyey Saldhigyo Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Duleedka Magaalada Marka (Sawiro)

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ee fariisinka ku leh deegaanka Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka ayaa howlgallo ka sameeyey qaar ka mid ah deegaanada ay maamulaan Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.

Howlgal qorsheysan ayaa Ciidamada waxa ay ka fuliyeen deenaada ku yaalla Koonfurta magaalada Marka, gaar ahaan deegaanada xeebta ah sida Lex mooro, Ceel axmed iyo Muungii.

Dhamaan deegaanadan ayaa waxa saldhigyo ku lahaa Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab, waxaana ay halkaas ay kaga duulli jireen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee ku yaalla duleedyada Marka.

Ciidamada dowladda ayaa burburiyye dhamaan saldhigyada Kooxda Shabaab, waxaana ay dab qabad siiyeen xarumaha Maamulka ee algu baadi jirey Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE