Ciidamada Jubbaland Oo La Wareegey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa la wareegey deegaanka Miidow oo ku yaala Gobolka Jubada hoose ka dib dagaal ay ku qaadeen Maleeshiyaad Kooxda Alshababa aj oo halkaasi ku sugnaa.

Deegaanka Miidow oo ku dhow Magaalada Kismaayo ayaa waxa si buuxda ula wareegey Ciidamada Jubbaland oo dagaal qorsheysan kula wareegeen, waxaana deegaankaas looga itaal roonaadey Alshabaab oo muddo sanado ah maamulaayey.

Wararka saake ka imaanaya deegaanka ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo howlgal ay wadaan Ciidamada shalay halkaasi qabsadey, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Maleeshiyada kooxda Alshabaab ay ku suganyihiin meel aan ka foreyn deegaanka.

Sarakiisha Ciidamada Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay siiwadi doonaan howlgallada lagu baacsanaayo kooxda nabad diidka ah ee alshabaab.

Maamulka Jubaland ayaa dhawaan sheegay in ay qaadayaan howlgallo qorsheysan oo ay kula wareegayaan dhammaan deegaannada Al Shabaab ay ka maamulaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE