Dani Waa Ku Teh: Habargidir Oo Lagu Qasbey In Ay Aasaan Meydadka Maleyshiyadii Nabad-diidka Ah Ee Alshabaab Oo Laayey Weerarka Bariire

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka socda aaska Meydadka Maleeshiyadii Nabad diidka ah ee Alshabaab oo ku dhintey weerarkii lagu qaadey saldhig Milateri oo ay ku lahaayeen deegaanka Bariire.

Qab qablayaal Habargidir ah ayaa warbaahinta ka sheegey in aan la aasi doonin Meydadka ilaa laga bixinaayo Magdhow, hase ahaatee waxa isbedel uu ku yimid go’aankii hore ka dib markii la helay warbxin horudhac ah oo ku saabsan baaristii socotey.

Meydadka oo lagu haayey Filinjeerro ayaa maanta lagu qasbanaadey in la aaso, waxaana soo baxaya warar sheegaya in la heley cadeymo muujinaya in Meydadka la haayo ay yihiin Maleeshiyaad nabad diid ahaa oo kasoo horjeedey howlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan wabixin ku saabsan baaristii lagu sameeyey howlgalka Bariire ka dhacay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE