Dhageyso Ururka Xoreynta Soomaali Galbeed Ee ONLF Oo Xaqiijiyey In Itobiya Loo Gacan Geliyey C.xakiin Qali-dhagax

Hogaanka sare ee Ururka xoreynta Soomaali galbeed ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah Gudiga fulinta Ururka loo gacan geliyey dowladda Itoobiya oo cadaawadi kala dhaxeyso.

Cadaani Hirmoog oo ah Afahayeenka Ururka ONLF ayaa sheegey inuu xaqiijinayo in 23-kii bishan magaalada Gaalkacyo lagu qabtey C.xakiin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo ka mid ahaa Madaxda fulinta Ururka ONLF.

Afahayeenka ayaa intaa hadalkiisa raaciyey in Ciidamado ka tirsan Nabadsugidda ay xoog kaga soo wateen magaalada Cadaado islamarkaana geeyey magaalada Muqdisho halkaas oo markii dambe looga sii gudbiyey dowladda Itobiya oo muddo ku dhow rubac qarni uu lasoo dagaalamaayey.

Qalbi dhagax ayaa ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya intii ay jirtey dowladdii Milateriga isaga iyo Nin kale oo walaalkii ahaa oo la dhashay kaas oo ku baxay gacanta Ciidamada Itoobiya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE