Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo War Kasoo Saarey Isku Shaandheynta Golaha Wasiirada

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey hadal heynta bulshada ee ku aaddan isku shaan lagu sameyn doono Xukuuamdda Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay sheekadaas.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa marka hore sheegey in xukuumadda hada jirta ay dhisantahay kaliya Lex bilood islamarkaana aan la gaarin waqtigii isku shaandheyn ama xil ka qaadis la sameyn lahaa.

Waxa uu intaa raaciyey hadalkiisa in Golaha Wasiirada howlahooda ay u gudanayaan si hufnaan ah oo aanay ka jirin wax dib u dhac ah, gabi ahaanba waxa uu meesha ka saarey warka ku saabsan xil ka qaadis iyo isku shandheyn.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa uu sheegay in isbedel lagu sanmeenayo Agaasimayaasha Wasaarada 26-ka  ah si loo helo shaqooyin ay u riyaaqaan bulshada.

Maalmihii lasoo dhaafey qaar ka mid ah warbahinta gudaha ayaa qoreysey in isku shaan dheyn lagu sameynayo golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaali, halka qaarkood ay waaynayaan xilalka ay hada hayaanaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE