Ra’iisalwasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Wadahadalka U Socda Mukhtaar Roobow Iyo Dowladda (Video)

Kulan su’aallo lagu weydiinayey Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha Amniga ayaa waxa la weydiiyey dhowr su’aal oo ku saabsan warar ay isla dhex maraayaan dad weynaha islamarkaana ay si aad ah u hadal haayaan warbaahinta.

Marka hore ayaa Mudane Kheyre waxa la weydiiyey shaqada Ciidamada Xasilinta oo mararka qaar ku dhaca qaladaad su’aalooyin badan uu ka taaganyahay oo ah in lagu ogyahay qaladaadkaas ama in si kam ah uu u dhaco.

Waxa kale oo la weydiiyey Sarkaal ONLF oo la sheegey in loo gacan geliyey dowladda Itobiya, kaas oo laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo.

Waxa ugu dambeyn Ra’iisalwasaaraha la weydiiyey wadahadalka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo dowladda u socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE