Ciyaar Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Maamuusaayey Farxadda Ciidul-Adxaa Ayaa Maanta Lagu Qabtey Magaalada Marka (Sawiro)

Ciyaar Kubadda Cagta ah oo lagu maamuusaayey Farxadda iyo damaashaadka Ciidda ayaa maanta waxa lagu qabtey magaalada Marka ee Xarunta ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dadka soo abaabuley ciyaartan ayaa kala ahaa Cali Abuukar Faqe (Cali Sitey) iyo Cabdulaahi Maxamed Gaab (Cabdulaahi Xubul), waxayna soo xuley laba kooxood oo ku kala ciyaarayey Fc Fagax iyo Fc Buufow, iyadoo galabta ay dhex martey ciyaar xiisa badan.

Garoonka ay ka dhaceysay Ciyaarta ayaa waxa kasoo qeyb galey dad weyne badan oo usoo daawasho tagey bandhigga Ciida, iyadoo labada kooxaad ay ku kala baxeen 6 iyo 3, oo guusha ay ku raacdey Kooxda ku ciyaareysay magaca FC Buufow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE