Madaxii Dacwada Ee Kooxda Alshabaab Oo Lagu Diley Duqeyn Diyaaradeed

Wararka aan ka heleyno deeganada ay maamulaan Kooxda Alshabaab ayaa ku waramaya in duqeyn diyaaradeed lagu diley Madaxii Dacwada ee Kooxda.

Duqeyn la aaminsanyahay in ay geysteen diyaaradaha reer galbeedka oo ka dhacdey Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu dilay Madaxii kooxda u qaabilsanaa Tashkiilinta bulshada.

Ninka la dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa la sheegey in uu ku sugnaa deegaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo la aaminsanyahay in duqeyntu ay dhacdey xalay saqdii dhexe.

Weli wax war ah kama soo bixin hogaanka Kooxda Alshabaab ee ku saabsan dilka Cabdiraxmaan Xudeyfi oo mar soo noqdey Wakiilka Alshabaab ee Gobolada jubbooyinka.

Madaxda Kooxda Alshabaab ayaa waxa ku socda duqeymo ay fulinayaan diyaaradaha reer galbeedka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE