Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Cadeeyey Mowqifkiisa Go’aankii Kasoo Baxay Maxkamada Sare Ee Dalka (Video)

Madaxweyne dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono go’aanka Maxkamada Sare, ay ku laashey doorashadii ka dhacdey dalkaasi, iyadoo uu ka duulaayo xeerka Qaranka.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Doorasho ku celis ah oo dalka ka dhacda isagoo dhanka Mucaaradka ugu baaqay in ay diyaar garoobaan, oo markale aysan andacoon.

Maxkamada sare marnaba ma aysan eedeynin Uhuru Kenyatta iyo xitaa kooxdiisii olalaha doorashada, laakiin waxaa ay sheegtay in guddiga doorashada aysan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka doorasho ee dalka u degsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE