Madaxweynaha Jubbaland Oo Magaalada Ksimaayo Salaadda Ciidul-Adxa Kula Tukadaey Dadweyne Badan (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaar kamid ah dadweynaha re

Kismaayo Xarunta Madaxtooyada kula tukaday Salaadda Ciidda Adxa  .

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Maamulka Mudane Maxamuud Sayid Aadan, xubno katirsan labada gole ee Maamulka iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa xiga isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE