Maxkamada Sare Ee Dalka Kenya Oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaantey Doorashadii Ka Dhacdey Dalkaasi

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba laashey natiijadii doorashada Madaxtinimada Kenya ee dhacday 8-dii bishii Agosto ee sanadkan, taasoo uu ku guuleystay Madaxweynaha xilligan talada haya Uhuru Kenyatta.

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay natiijada doorashada, iyadoo ku amartay in muddo 60 cisho la qabto doorasho cusub.

Hoggaamiyihii Mucaaradka Raila Odinga ayaa dhowaan dacwad u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaddib markii uu qaadacay natiijadii doorashadii dhacday 8-Agosto ee Guddiga doorashada ay shaaciyeen inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Go’aankan maanta soo baxey ayaa ka dhigan in mar kale Odinga uu u tartami doono xilka Madaxtinimo ee dalka Kenya.

Ma Cada go’aanka ay qaadan doonto dowladda,hase ahaatee wadanka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ma kale uu lugaha la galo khalalaase.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE