Qirashada Dowladda Itobiya Ee U Gacan Gelinta Cabdikariin Qalbidhagax Oo Waji Gabax Ku Ah Dowladda Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda VOA qeybta Afka Amxaariga ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

Dowladda Soomaaliya ayaa diidey in ay jawaab ka bixiso xaaladda ninka lagu eedeeyey in ay qabteen kadibna u gacan geliyeen Itoobiya, waxay ku tilmaameen xaalad xasaasi ah, Warka ka soo baxay Itoobiya ayaa weji gabax ku ah Dowladda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE