Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji “Dowladda Soomaaliya Ha Cadeyso Cidda Itoobiya U Dhiibtey Muwaadinka Soomaaliyeed”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqey inay cadeeyaan cidda ka dambeysa dhiibista C.kariin qalbidhagax.

Mudane Zakiriye oo la hadlay Warbaahinta muuqaalka ee leyska arko ayaa u jeediyey labad gole ee Baarlamaanka in ay tallaabo ka qaadaan ragga ay ku cadaato arinkan oo uu ku sgheegey in ay tahay qiyaano qaran.

Xildhibaan ayaa tilmaamey in iyaga xataa ay khatar ugu jiraan in loo dhiibo dowladda Itoobiya, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in Muwaadin Soomaaliyeed loo gacan geliyo cadiw Soomaalieed.

“Ninkaas 8 maalmood ayaa la hayay, Qalad iyo kama’a kuma dhici dhiibidiisa, waxay ku dhacday kas iyo tashi, cida amartay ayaa rabnaa ama dowladda banaanka ha iska soo saarto cidii ku talisay iyo cidii dhiibtay, waxaa ku heysanaa Madaxda, ayaga daba joognaa waana khiyaano qaran”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Dhegaha Soomaaliyeed waxa si aad ah u gilgeliyey arunta ku saabsan C,kariin qalbi dhagax oo la sheegey in loo gacan geliyey dowladda Itoobiya oo in mudda ah baadi goob ugu jirtey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE