Dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne Iyo Maleeshiyaad Uu Wato Oo Lasoo Dejiyey Deegaanka Bariire

Abaan duulaha Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Cali Caanood ayaa maanta magaalada Muqdisho ka galbiyey dagaal-ooge Liibaan madaxweyne.

Maleeshiyaad gaaraya ilaa 450, oo ku hubeysan gaadiidka dagaal iyo hub culus islamarkaana uu horjooge u yahay Liibaan Madaxweyne, ayaa barqanimadii maanta la geeyey Saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Warabixin aan helnay ayaa ku warameysa in Maleeshiyada Dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne ay bedeli doonaan Ciidamo Kumaandoos ah oo fariisin ku leh Bariire, halkaas oo ay ka difaaci doonaan sida la sheegey Beeraleyda hubeysan ee gacan saar la leh Kooxda Alshabaab.

Tallaabada maanta Liibaan Madaxweyne lagu dejiyey deegaanka Bariire oo dhawaan lagala wareegey Kooxda Alshabaab ayaa dhabar jab weyn ku ah howlgalkii lagula dagaalamayey Alshabaab.

Sidoo kale imaatinta Dagaal-oogahan ayaa waxa laga yaabaa in ay dib usoo celiso dagaaladdii ku saleysanaa habka beelaha ee ka dhici jirey degmada Nambar 50 iyo Nawaaxigeeda.

Saraakiisha gacanta loo geliyey howlaha Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku socda wadooyinkii ay ku fashilmeen Saraakiishii ka horeysey ee ku caan baxay hubeynta Maleeshiyaad isbaarooley ah iyo ka qaab galka dagaalada barakicinta ah ee ka dhacay shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE