Dhageyso ONLF Oo Sheegtey In Afar Nin Ay Dhiibtey C.kariin Qalbidhagax Iyo Saldhigga Lagu Haayo

Ururka jabhadda xoreynta Soomaali galbeed ee marka magacooda lasoo gaabiyo logu yeero ONLF ayaa mar kale ka hadashey arinta ku saabsan dhiibista Sarkaalkii ka tirsanaa oo dhawaan la sheegay in loo gacan geliyey dowladda Itoobiya.

Afahayeenka Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed Cabduqaadir Sheekh Xasan (Cadaani) ayaa sheegey in afar Mas’uul oo dowladda ka tirsan ay ka shaqeeyeen dhiibista Qalbidhagax.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegey in ay u wada fariisanin arintan hase ahaatee Afar mas’uul oo kala ah Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre, Taliyaha Nabadsugidda Sanbaluulshe iyo Nin magaciisa lagu sheegey Bashiir Goobe ay ka shireen in dowladda Itoobiya loo gacan geliyo C.kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Mudane Cadaani ayaa sidoo kale sheegey in xilligan Sarlkaalka lagu haayo Xarun Ciidan oo ay degenyihiin Ciidamada Wardoonka, halkaasna lagu wareysanyo, goobtan ayuu ku sheegey in la geeyo inta badan hogaanka Ururka dib u xoreynta dhulka Ogaaniya ka dib loo dhaadhicyo Xabsiyo ammaankoosa si weyn loo ilaaliyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE