Madaxweynaha Jabuuti Oo Dardaaran U Jeediyey Ciidamada Dalkiisa Ee Howlgalka U Jooga Afrika

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu jeediyay Khudbadda Ciidda Carafo,waxaana uu inta badan khudbaddiisa diiradda ku saaray mushkiladaha Siyaasadeed ee ka jira Dunida Muslimka.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Kacdoonkii Carbeed ee billowday 2010kii kana billowday Dalka Tunisia,kaas oo ilaa hadda ku dambeeya dalalka Suuriya iyo Yemen.

Geelle waxaa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Carabta ee xilligan looga baahanyahay in ay isbeddel la yimaadaan si looga baxo dhibaatada hadda ka jirta Bariga dhexe.

Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hambalyo iyo dardaaran u diray Ciidamada Jabuuti ee ku sugan dalalka Soomaaliya,Suudaan,Ivory Coast iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Ciidamada Dalka Jabuuti ee ku sugan Afrika ayuu kula dardaarmay in howlaha Nabad ilaalinta ee Afrika ay si wanaagsan u gutaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE