Dhageyso Ciidamada Dowladda Oo Ku Sugan Buuloguduud Iyo Maleeshiyada Kooxda Shabaab Oo Dagaalkii Maanta Lagu Jabiyey

Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al-Shabab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo weerareen xeryaha milatariga ee Buulo Guduud iyaga oo adeegsanaya baabuur lasoo miidaamiyey.

Ciidamada dowladda iyo kuwo Maamulka Jubbaland ayaa iska caabin xoog badan ka dib sameeyey dib u gasho, waxaana markii dambe ay ku laabteen Xerada weerarka lagu qaadey.

Xerada iyo guud ahaan deegaanka ayaa xilligan waxa gacanta ku haaya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedka Jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE