Dowladda Soomaaliya Oo Maanta War Rasmi Ah Kasoo Saareysa Arinta Xiisadda Dhalisey Ee Cabdikariin Qalbidhagax

Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ku wareejisay dowlada Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay war rasmi ah arintaasi ka soo saarto.

Masuuliyiinta dowlada ayaa shacabka Soomaaliyeed u faah faahinaya waxa ka jira in dowlada Soomaaliya sarkaalkaasi ku wareejisay dowlada Itoobiya.

lagama sii hordhici karo waxa dowlada Soomaaliya ay ka dhehi doonto arinta qalbi dhax oo dowlada Soomaaliya ay kala kulmeeysay canaan balaaran iyo niyad jab uga yimid shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya oo dhawaan war kooban soo saartay ayaa sheegtay in Qalbi dhagax ay dowladda Soomaliya usoo gacan galisay islamarkaana uu kamid ahaa saraakiil badan oo dhibaatooyin u geysay shacabka Ethopiyanka.

Kooxo mucaaradsan dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa fursad siyaasadeed oo ay ku naqdiyaan dowladda ka helay arinta Qalbidhagax.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE