Janaraal Sheegow Oo Bariire Kasoo Gadoodey Iyo Xiisad Dagaal Oo Ka Tagaan Inta U Dhaxeysa Laanta-buuro Iyo Nambar 50

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hosoe ayaa waxa ka taagan xiisad jahawareer ah oo soo wajahdey Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo Alshabaab todobaad ka hor halkaas kula dagaalamey.

Jahawareerkan ayaa yimid ka dib markii maalinnamadii shalay halkaas la geeyey dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne oo gabood fallo kala duwan u geystey shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in ay adagtahay wada shaqeyn dhex marta Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamada xoogga dalka, maadaama Dagaal-oogahan ujeedooyin siyaasadeed loo geeyey halkaasi.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Janaraal Maxamuud Xaaji Axmed Cali Sheegow oo hogaaminaya Ciidamada Xoogga ee Bariire ku sugan ayaa saake isagoo gadoodsan la sheegayaa in uu dib ugu laabtey magaalada Muqdisho oo uu diidey in hal difaac ay ku wada sugnaadaan dagaal-ooge Liibaan Madaxweyne.

Dhaqdhaqaaq sababi kara in uu dagaal dhaco ayaa laga dareemayaa inta u dhaxeysa Laanta-buuro iyo degmada Nambar 50, halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo muddo dagaal uu kala dhaxeeyey Liibaan Madaxweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE