Milateriga Mareekanka Oo War Kasoo Saarey Duqeyntii Ay Ku Dileen Madaxa Dacwada Ee Kooxda Alshabaab Cabdiraxmaan Xudeyfi

Diyaaradaha gantaaladu ku xiran yihiin ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Droneska ayaa weerar ay fuliyeen ku qaarijiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda al-Shabaab.

Bartilmaameedka oo la aaminsanyahay in uu dhacey subaxnimadii jimcaha ee ku beegneyd maalinta Ciidda ayaa waxay ka dhacdey deegaanka Kuunyabarow ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana warkan lagu xaaqiijiyey qoraal kala gooni gooni ah oo kasoo baxay Mareekanka iyo sirdoonka Soomaaliya.

Warka uu soo saarey Xafiiska Milateri ee dowladda Mareekanka u qaabilsan Afrika ee lagu magacaabo Africom ayaa lagu sheegey in ay socdaan baaritaano la xiriira cidda bartilmaameedku ahaa.

Xog madax banaan oo ah heleyso Markacadey.com ayaa tilmaameysa in duqeyntii dhacdey aroornimadii jimcaha lagu diley Cabdiraxmaan Xudeyfi oo muddo sanada ah Gudoomiye ka ahaa Gobolada jubbooyinka.

Sanadihii lasoo dhaafey ayaa waxa jira warar sheegaya in wadaadku ahaaMadaxda Guud dacwada (tashkiilinta) kooxda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE