Qaraxyo Xoogan Oo Gilgiley Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari

Wararka saake ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa ku waramaya in saake weerar qayaxyo ah lagu qaadey bartamaha Magaalada.

Qaraxa oo ahaa bambaano kuwa gacmaha laga tuuro ayaa wararku sheegayaan in lagu tuurey kaalin shidaal oo lagu magacaabo Hilaac oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso.

Weli lama sheegi karo khasaaraha nafeed ama mid hantiyadeedeed ee weerarka qaraxa ka dhashey, hase ahaatee waxa jirta rasaas ay fureen ciidamada ammaanka oo xilligii ay awax dhacaayeen ku sugnaa meel ku dhow Kaalinta Shidaalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE