Siyaasiga Siyaasadda Salaad Cali Jeellee “Siyaasiyiin Dano Gaar Ah Wadata Ayaa Iska Horkeenaya Shacabka Iyo Dowladda” (Video)

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Arrin uu ku sheegay maalmihii la soo dhaafay in si weyn looga hadal haayay Dalka, taas oo u ku aadan Sarkaal dowladda la sheegay in ay ku wareejisay Ethiopia.

Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaas ay kar karinayaan Siyaasiyiin iska horkeenaya Shacabka iyo Dowladda.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dadka arrintaan ka hadlayay isugu jiraan kuwa Soomaalinimo ay ka tahay oo la marin habaabinayo iyo kuwa dano siyaasadeed ka wata.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in dalka haatan uu ka soo kabanayo Bur bur ayna muuqato Rajo fiican sidaas daraadeed ayuu uga digay shaqsiyaadka Siyaasadeynaya arrintaan si dowladda iyo shacabka la isaga horkeeno in ay ka waantoobaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE