Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Dagaalkii Cuslaa Ee Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa maanta waxa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid ka dib markii weerar uu fuliyey ruux naftii halige ah uu ka dhacy afaafka hore ee Xerada oo ku taalla deegaanka Buul gaduud, ka dibna uu xigey dagaal toos ah oo xerada lagu soo qaadey.

Muddo ku dhawaad hal saac oo uu socdey dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in Xerada ay la wareegeen Maleeshiyada Shabaab oo soo qaadey dagaal abaabulan.

Waxa lagu soo waramayaa in weerarka uu ka dhashey jhasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, khasaaraha ugu badan ayaa sida ay tilmaameyso xogta waxa uu soo gaarey Ciidamada Maamulka Jubbaland.

War lagu baahiyey warbaahinta teegeerta Kooxda Alshabaab ayaa lagu sheegey ku dhawaad 20 askari lagu diley weerarkii cuslaa deegaanka buulagaduud, ma jiro wax war ah oo kasoo baxey dhinaca maamulka jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE