Weerar Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Dagaal Toos Ah Oo Ka Socda Deegaanka Buulgaduud

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in dgaal xoog badan uu ka socda deegaanka Buulagaduud.

Qarax lagu dhuftey albaabka xero Ciidan oo ku taalla deegaanka Buulagaduud ayaa waxa xigey weerar toos ah oo Maleeshiyada kooxda Alshabaab ay ku qaadeen Xerada ay degenyihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Maamul Goboleedka jubbaland.

Sida ay soo sheegayaan Wariyeyaasha magaalada Kismaayo oo si dhow ula socda dagaalka duleedka Kismaayo ayaa soo sheegaya in uu socdo dagaal xoog badan oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Warar ayaa jira oo sheegaya in xerada Shabaabku ay la wareegeen, halka Ciidamadii ku sugnaa ya noqdeen qaar baxsadey iyo kuwo la laayey, iyadoo weli la maqlayo rasaas labada dhinac u dhaxeysa.

Deegaanka Buulgaduud ayaa bilooyin ka hor waxa la wareegey Ciidamo huwan oo ka koobnaa kuwa Soomaali ah, kuwo cadaan ah iyo Ciidamada AMISOM, hase ahaatee marka laga reebo ciidamada Soomaalid ayaa waxay dib ugu soo laabeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE