Dagaal Cusus Oo Galabta Ka Dhacay Magaalada Marka, Horjoogihii Shabaab Dismaha Maana Xaajwo Oo La Qaarijiyey (Sawir Iyo Magaciisa)

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyada Kooxda Alshababa ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hosoe.

Rasaas ku bilaabatey si goos goos ah, ayaa markii dambe isku bedeshey dagaal cuslus oo muddo ku dhow saacad ka socdey ilaa seddax aag oo ay isku horfadhiyeen Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyada laba kaarlayaasha ah ee ka tirsan kooxda Alshabaab.

Xabadda oo soo gaartey ilaa maqribkii caawa ayaa la xaqiijiyey in ku quur baxey hojoogihii dhismayaasha Maana Xaajow iyo Siidcali Dabruube oo ay xoog ku saaranyihiin Mooryaanta Shabaab.

Horjoogaha la diley oo ku sugnaa Sarta Maana Xaajow ayaa waxa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey rasaas ka haleeshey qeybaha sare ee jirka, dhaawaciisa ayaa la geeyey Isbitaalka Weyn oo xarun Ciidan u ah Mooryaanta Gobolada dhexe ee la shaqeeya Alshabaab, isagoo markii dambe u geeriyoodey dhaawaca soo gaarey.

Dhagarqabahan geeriyoodey ayaa waxa lagu magacaabi Jirey Baakaay, waxaana uu ka mid ahaa shakhsiyaadka hogaamin jirey dhaca iyo boobka lagula kaco Shacabka wadooyinka marayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE