Dagaal Ooge Liibaan Madaxweyne Iyo Maleeshiyadiisa Oo Lagau Amrey Inay Kasoo Bixi Karin Xerada Ay Ka Degeen Bariire

Dagaal Ooge Liibaan Madaxweyne oo ku sugan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu amrey in ay kasoo bixi karin Xerada ay ku jiraan Maleeshiyadiisa iyo isaga.

Xero Ciidan oo ku taalla Buundada Bariire oo ku beegan dhinaca Koonfur oo ay degenaayeen Ciidamada Kumandooska Soomaaliya ayaa la sheegayaa in halkaas ay ku jiri doonaan ilaa amar dambe.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii kala shaki uu soo kala dhex galay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne oo u badan Isbaarooley iyo Maleeshiyaad laba kaarlayaal ah oo si hoose ula shaqeeya Alshabaab.

Ujeedada Liibaan Madsaxweyne loo geeyey deegaanka Bariire oo aheyd in lagu ilaaliyo siyaasadda Beeraleyda xoogga ku haaysata Beeraha Shacabka islamarkaana dhaqaale badan siiya Alshabaab ayaa u muuqata mid fashilantey.

Dhinac kale wadada u dhaxeysa Bariire iyo Nambar 50, ayaa lagu amrey gaadiidka Ciidanka in ay mari karin amar la’aan oo ay la xiriiraan Janaraal Sheegow si uu isagana uu usoo war geliyo taliska Ciidamada dowladda ee ku sugan Garoonka Nambar 50.

Arintan ayaa waxa looga gol leeyahay sidii loo kala saari lahaa Maleeshiyada laba kaarlayaasha ah ee Alshabaab iyo kuwo dowladda si loo ilaaliyo xasiloonidda wadooyinka.-

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE