Dhageyso Shir Looga Hadlaayey Xoojinka Heshiisyadii Nabadda Ee Magaalada Gaalkacyo Oo Dhex Marey Puntland Iyo Galmudug

Shir U Dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug Loogana Hadlayay Xoojinta Heshiisyadii Horey ay u gaareen Labada Maamul, ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Shirkan oo ahaa mid horu dhac u ah shir balaaran oo maalinimada Berri uga farmaya Labada Maamul Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Labada Maamulka.

Shirka oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin, ayaa Markii uu soo dhamaaday Waxaa saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenada Labada Maamul ee puntland iyo Galmudug Eng C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar camey iyo Maxamed Cabdi Xaashi Carabey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE