Janaraal Gabre Oo Barttiisa Twitterkiisa Ku Suurad Xumeeyey Madaxda Qaranka, Halka Uu Amaan Usoo Jeediyey Hogaanka NISA

Janaraal Gabra oo ah la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Urur Goboleedka IGAD, ahna Diplumaasi itobiyaan ah ayaa qoraal uu ku weeraraayo Madaxda dowladda Soomaaliya soo dhigey bartiisa Twitterka.

Qoraalka oo lagu baahiyey wargeys lagu magacaabo Horn Observer ayaa hogaanka Ciidamada NISA loogu amaaney doorkii ay ka qaateen u gacan gelinta Itoobiya C.kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax.

Waxa qoraalka lagu aflagaadeeyey Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Calia Kheyre oo lagu eedeeyey in ay taageero siiyaan Urur argagaxiso oo ay ula jeedaan Ururka xoreynta Soomaali galbeed ee ONLF.

“Kudos ku socota NISA oo Ethiopia u soo gacan-gelisay Argagixisaha ONLF, Maya mahadnaq ku socota Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Kheyre” ayaa lagu yiri qoraalka Gabre bartiisa uu ku qorey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE