Nin Darawal Ah Oo Xalay Lagu Tooogtey Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu toogtey Nin darawala ahaa oo ka shaqeeyey magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Dilka Darawalka oo dhacey xalay fiidkii ayaa warar kala duwan ay kasoo baxaan cidda ka dambeysey, warar aan helney ayaa sheegaya in Ninkaas ay toogteen Ciidamada dowladda, halka dadka qaar ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay dileen.

Shacabka Degmada Qoyooley ayaa saake hadal haaya dilka xalay dhacay, waxaana ay ku mashquulsanyihiin sababta keentey in Nin darawal ah lagu toogto bartamaha degmada.

Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ugu wax soo saarka wanaagsan degmooyinka ku yaalla shabeelada hoose ayaa sanadihii lasoo dhaafey la daalaa dhaceysa amaan dari dhinac kasta kasoo food saartey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE