Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Oo Maantaa Howlo Kormeer Ah Ku Tagey Wasaaradaha Warfaafinta Iyo Haweenka (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarumaha Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku hormaray xarunt wasaaradda warfaafinta, halkaasi oo kulamo kula qaatee masuuliyiinta Wasaaradda, oo ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE