Shir U Dhaxeeya Biimaal Iyo Habargidir Oo Uu Soo Qaban Qaabiyey Janaraal Caanood Ka Dhacey Bariir, Iyo Nin Lagu Sheegey Madaxweyne Farmaajo Oo Qadka Taleefanka Uga Qeyb Galay (Warbixin)

Deegaanka Bariire waxa maanta ka dhacey shir uu soo qaban qaabiyey Abaanduulaha Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdilaahi Cali Caanood oo maalinimadii Khamiista gaarey deegaanka Bariire.

Shirkaoo laba waji ahaa ayaa midka hore u dhaxeeyey Odayaasha Beesha Biimaal iyo Janaraal Caanood, waxaana xigey Shir kale oo seddax geesood ah oo u dhaxeeyey Beesha Biimaal qab qabalayaal Habar gidir ah iyo Cabilaahi Caanood.

Warar aan helnay ayaa ku waramaya in Cabdilaahi Caanood uu dalbadey in deegaanka Bariire ay ugu tagaan Odayaal Beesha Biimaal ah si ay uga wada hadlaan xaaladda deegaanka iyo ka wada shaqeynta la dagaalanka Alshabaab.

Caanood iyo Beesha Biimaal ayaa marka hore iska wareystey xaaladda deegaanka, waxaana uu u gudbiyey adeeg uu ka sido Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, oo sida uu sheegey daneenaya in ay wada hadlaan Beesha Biimaal iyo Beesha kasoo qaxdey Gobolada dhexe ee Habargidir.

Odayaasha Biimaal ayaa ogolaadey in ay la kulmaan Habargidir hase ahaatee aanay aqbaleynin wax dhaafsiisan kulan iyo ajiibidda hadalka Madaxweynaha, waxaana ay intaa raaciyeen in ay jiri doonin sabab ay kulan ula qaataan Habar gidir oo dhulkii ay dhacdey ku wareejisey Alshabaab.

Qaar Ka Mid ah Odayaasha Shirka ka qeyb galay ayaa sheegey in markii leysugu tagey Gogoshii labad dhinac in ay isla qaateen sidii ay ula hadli lahaayeen Ninka lagu sheegey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo qadka Taleefanka uu ka wacey Janaraal Caanood.

Madaxweynaha ayaa codsadey in laba Odey oo kala matala labada dhinacyada uu mid mid ula hadlo, waxa kaa cudur daartey in war dheer aanu  la gali karin hase ahaatee uu ka codsanaayo in laga wada shaqeeyo xasiloonidda, waxaana uu balan qaadey in 29-ka bishan ama 2-bisha soo socota ee Oktoobar uu fidin doono golol nabeed.

Odayaasha shirka ka qeyb galey ayaan weydiiyey Ogaalka in uu ahaa Ninka la hadley Madaxweyne Farmaajo iyo nin magaciisa sheeganaayey, hase ahaatee maadaama Odayaasha aanay aqoon dheeraad ah u laheyn Madaxweynaha waxay ii loo sheegey kaliya inuu yahay Madaxweyne Farmaajo sida loo sheegey.

Qabqabalaaysha Habargidir ee Shirka ka qeyb qaatey ayaa waxa ka mid ahaa Cabdulaahi Maxamed Cilmi (Cabdulaahi Biyoole), Daa’uud Cabdi Faarax (Daa’uud Mooryaan, Warsame iyo kuwo akle oo dhamaan xoog ku haaysta Beeraha Shacabka ee ku yaalla deegaano ka tirsan Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE