Deg Deg Senator Xuseyn Cali Xaaji Oo Isku Dey Dil Ka Badbaadey

Rag hubeysan oo saarnaa gaari nooca raaxada ah ayaa goor dhow weerar ku qaadey Gaari uu leeyahay Senator Xuseen Cali Xaaji oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka aqalka ee dowladda Fedaraalka.

Gaariga oo maaraayey sida la sheegey meel ku dhow Isbitaalka Masaaridda ee degmada Hodon ayaa wararku ay sheegayaan in Gaariga Xildhibaanka lagu horgeeyey gaariga kale ee ay wateen kooxaha hubeysan, waxaana ay la dhaceen rasaas xoogan.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya in xildhibaabku saarnaa gaariga la rasaaseeyey iyo in aanu saarnmeyn, waxa jira dad sheegaya in gaariga ay saarnaayeen kaliya Gabar uu Adeer u yahay Xildhibaan Xuseen iyo darawalkiisa, waxaana dhaawac uu soo gaarey darawalka iyo Gabadha gaariga saarneyd.

Lama hubo inta uu la egyahay dhaawaca soo gaarey labada qof ee gaariga saarnaa, iyadoo hada la geeyey mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE