Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar Oo Si Kulul Uga Hadlay Xariga C.kariin Qalbi Dhagax (Video)

Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadley xaaladda ka dhalatey qabashadii Cabdikariim Sheekh Muuse waxaana uu hadalkiisa ka bilaabay in la iswaydiiyo cidda uu yahay Cabdikariin.

Cabdi Maxamed CUmar ayaa sheegay in Qalbidhagax yahay nin udhasay DDSI islamarkaana ahaa booliskii ugu horeeyay ee deegaanka kililka shanaad falal denbina ka galay deegaankaas sidaasna ku galay duurka, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray inuu qalbi dhagax xasuuq ba’an ka gaystay gobolada doollo, qoraxey, jarar iyo shabeele islamarkaana ay arrintuusu u taalo tastuurka iyo mas’uuliyiinta dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE