Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Maanta Soo Gaarey Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole, Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kasoo amba baxey magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa waxa lagu wadaa inuu saldhigto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed kulamo uu la qaadan doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo siyaasad ahaan ay aad isku fahamsanyihiin

Labada Mas’uul ayaa si gaara uga wada hadli doona siyaasado hoose oo la xiriira dhinaca dowlada iyo kacdoonno ay hor boodayaan daneystayaal Soomaali ah uu ku socdo.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay wada qaban doonaan kulan ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE