Maleeshiyada Uu Horjoogaha U Yahay Liibaan Madaxweyne Oo Caawa Dhac Ka Geystey Deegaanka Bariire

Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas dhac xoog leh ay ka geysteen Maleeshiyaad ka amar qaata dagaal ooge Liibaan Madaxweyne.

Ilaa 12 dukaamo oo ay leeyihiin Ganacsatada deegaanka ayaa fiidkii caawa waxa ku xoomey Maleeshiyada dagaal ooge Liibaan Madaxweyne, oo ku xareysnaa Xero Ciidan oo ku taalla galbeedka deegaanka.

Dadka dhaca loo geystey qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in laga qaatay inta badan alaabihii u yiiley dukaamadooda iyo lacago kala ay ku sheegeen Shilin Soomaali ah oo dukaanka tiiley iyo mid Mobelka ugu jirtey.

Waxa kaloo ay sheegeein si isku mid ah loo beegsadey dhamaan dukaamada, halka dadka qaarkiis ay la kulmeen jirdil iyo handadaa ka dib markii ay sheegeen in lacago Mobel ugu jira aanay jirin, waxana taasi ay ka dhaxleen dhibaato ka weyn tii hore u haaysatey.

Deegaanka Bariire oo si nabad gelya amaankiisa ay usoo celiyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa todobaadyo ka dib waxa lagu kordhiyey maleeshiyaad isbaarooley ah oo uu wato dagaal ooge Liibaan Madaxweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE