Sawiradii Ugu Horeeyey Ee Laga Helay Difaacyada Ay Ku Jiraan Maleeshiyada Laba Kaarlayaasha Ah Ku Dhuumaaleysta Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Marka (Sawiro)

Waxa markii ugu horeysey noo suura gashay in aan soobandhigno Sawirada difaacyada ay gabaadka ka dhiganayaan Maleeshiyaadka laba kaarlayaasha ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mdi ah magaalada Marka.

Kaamirada Markacdey.com ayaa soo qaaddey Sawiro muujinaya sida naf la caarinimada ah ee ay ugu hoos noolyihiin jawaanno Carro ah oo ay ka dhigteen difaacyo ay kaga gambadaan rasaasta dad ma geftada ah ee ay ridaan Ciidamada ammaanka ee degmada Marka.

Dhismayaal shub ah oo ay iska leeyihiin dad shacab ah ayaa si xoog ah waxa ay u saarteen difaacyada ka sameysan Jawaannada carrada laga buuxiyey.

Hoos Ka Daawo Sawirada Difaacyada Mooryaanta Laba Kaarlayaasha Ah Ay Ku Jiraan

Guriga Sinaxriis leh
Hotel Xoog Uu ku dhistey Cali Cilmi adeerkiisa Nuur Megda
dhismahan waxa dhinaca Koonfur uu ka xigaa dhismaha SWISS KALMOA
Dhismaha Care, dhinaca Waqooyi Bari ayuu ka xigaa dhismaha SWISS KALMO
Dhimaha Maasha allah, dhinaca Waqooyi ayuu ka jiraa xarunta Swiss kalmo
Foornada Amayow Gaab
Dhismaha kore ee cadaanka ah waa Iman Centar
Sarta Maana Xaajoow
Guriga Suldaan Calow
Guriga Siidcali Dabruube
Isbitaalka Marka, halka uu socdo Gaari waa wadada hor marta sikuulka 21-ka Oktoobar
Guriga Burcad badeedda
Waa labada dhisme Suldaan calow iyo Maaana Xaajow

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE