Deg Deg Qof Haweeney Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Marka

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa uu sheegayaa in lagu diley qof haweeney.

Dilka ayaa ka dhacay dooxa ku dhow Buracad badeeda oo saldhig u ah Maleeshiyada laba kaarlayaasha ah ee Kooxda Alshabaab, waxaana warar kala duwan uu kasoo baxayaa qaabka dilka uu u dhacey.

Haweeneyda oo mareysey dooxda ayaa la sheegayaa in ay ka timid Suuqa degmada islamarkaana ay kusii jeedeey, deegaanka Mushaani oo saake ay kasoo shaqa tagtey.

Inta aan la dilin ayaa qof goob jooge ah wuxuu noo sheegey in ay wada socdeen wiil ay iska soo raaceen suuqa magaalada, wiilka la socdey ayaa lagu amrey in uu ka tago haweeneyda la dili doono, ka dib ayaa waxa haweeneyda laga qaatey bac madow ah oo ay ku wadey lacago.

Dadka arkey Meydka ayaa sheegaya in seddax xabadood looga dhuftey qeybaha sare ee jirkeeda, Madaxa, Wadnaha iyo gacanta ayaa waxa ka muuqda xabadaha lagu dhuftey.

Waxaan soo gudbin doonnaa Sawiro iyo magaca Haweeneyda

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE