Dhageyso Sida Uu U Dhacey Dilka Marxuumad Xaawa Maamow Cusmaan Oo Maanta Lagu Toogtey Magaalada Marka

`Waxa maanta magaalada Marka lagu toogtey allah u naxariistee haweeney lagu magacaabo Xaawa Maamow Cusmaan oo ka mid aheyd Ganacsatada Suuqa Marka usoo iib geyn jirtey Khudaar.

Dilka oo ay geysteen maleeshiyo laba kaarlayaal ah oo kasoo guurey Gobolada dhexe islamarkaana la shaqeeya kooxda Alshabaab ayaa haweeneyda ku qabsadey lacago ay kusidatey bac madow iyo lacagaha lagu keydsado Mobellada EVC-GA.

Waxa kaloo jira warar sheegaya in haweeneyda ay diidey kufsi ay kula kici rabeen Mooryaanta sida dhuumaaleysiga usoo gala dooxa ku dhow dhismaha buracad badeeda oo xarun u ah Mooryaanta laba kaarlayaasha ah ee Habargidir.

Mid ka mid ah Ehelada haweeneyda ayaa noo sheegay in si arxan daran loo diley Xaawa Maamow Cusmaan oo deegaan ahaan degeneyd Waagaadi, waxaana ay sheegeen in lagu aasayo Marka oo aan la gaarsiin karin Gurigeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE