Dhageyso Afahayeenka Jabhadda ONLF Oo Go’aankii Kasoo Baxay Xukuuamdda Soomaaliya Ku Sheegey Mid Ay Soo Qoreen Saraakiil Itoobiyaan Ah

Afhayeenka Jabhadda ONLF ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya oo laga soo saarey in C/kariin Qalbi-Dhagax uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lidi ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday dudaha Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa Al-Shabaab.

Afhayeenka Jabhada ONLF C/qaadir Sheekh Xasan (Hirmooge) oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore sheegay ONLF in uu yahay urur sharci ah, Soomaali dareenkeeda wadani ah metela.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE