Dhageyso Cabdalle Maamow Oo Ah Wiil La Dhashay Marxuumad Maana Maamow Oo Ka Warbixinaya Dilka Iyo Kufsiga Arxan Darada Ah Ee Lagu Kacey Walaashiis

Cabdlle Maamow Cusmaan waa wiil la dhashey Marxuumad Maano Maamow Cusmaan oo shalay gelinii dambe magaalada Marka ay ku dilleen Mooryaan hubeysan, ayaa ka sheekeeyey sida arxan darada ah ee lagula dhaqmey walaashiisa.

Dhibane Cabdalle oo la murugeysan dilka walaashiisa ayaa sheegey in marka hore la kufsadey ka dibna lagu dhuftey xabado badan oo lagu asqeeyey jirkeeda.

Marxuumadda dhimatey ayaa da’deeda waxa uu sheegey 38 sano ilaa 40sano jir, dhashay caruur gaareysa ilaa sagaal caruur ah, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamey sida ay wax u dhaceen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE