Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Oo Laga Yaabo In Dib U Dhac Uu Ku Yimaado

Wararka ka imaanay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in la filayo in dib u dhac uu ku yimaado xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa kulan ku leh Magaalada Jowhar, waxaana la filayaa inay soo saaraan go’aan ah in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha oo lagu balansanaa in lagu qabto Jowhar.

Sababta ka dambeysa dib u dhaca doorashada ayaa lagu sheegay inay tahay is qabqabsi u dhaxeeya musharixiinta ku tartamaya xilka madaxweynaha Hirshabeelle, kaasi oo qaab beeleed ku saleysan.

Ma jiro ilaa iyo hadda musharax buuxiyay dhamaan sharuudaha doorashada madaxweynaha ee laga doonayo, waxaana ilaa iyo hadda guddiga doorashada Hirshabeelle aysan qaban araajida musharixiinta xilka dooneyso.

Guddiga doorashada, ayaa marka ay qabtaan araajida musharixiinta waxay bixinayaan shahaado muujineyso in musharaxa uu tartami karo.

Bishaan 12-keeda ayaa la qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana soo baxaya in maalmo kale lagu dari doono, sida wararku sheegayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE