Warar Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Dilkii Shalay Magaalada Marka Loogu Geystey Marxuuamd Maano Maamow Cusmaan (Warbixin)

Maalintii shalay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose waxa lagu dilay Allah u naxriistee haweeney lagu magacaabi jirey Maano Maamow Cusmaan oo Uur laheyd, Marxuumadda ayaa sida naloo xaqiijiyey waxa ay ka mid aheyd Ganacsatada Khudaarta ee Magaalada.

Dilka Marxuumadda ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxaanna sameyney baaritaan dheeri ah oo ku saabsan cidda dilka geysatey iyo halka fariisinka u ah, waxaana soo aruuriney macluumaad arinkaasi ku saabsan.

Kooxaha dilka geystey ayaa sida naloo xaqiijiyey ka amar qaata kaaba Mooryaanta Hey’adda beeleedda SWISS KALMO, waxaana ay ka tirsanaayeen maleeshiyada u xil saaraan ammaanka isbitaalka weyn oo xarun u ah Maleeshiyada difaaca hey’adda dhiig miiratada ah ee SWISS.

Ilaa shan maleeshiyo ayaa kasoo gudbey dhismaha halkii ay degenaan jirtey Cosve oo hadda ka mid ah xarumaha maleeshiyada laba kaarlayaasha habargidir,waxaana ay soo galeen dooxa dhinaca waqooyi ka xiga Xerada Agoonta oo aan wax badan ka fogeyn xaruntii hore ee Cosve.

Haweeneyda la dilay ayaa marka hore la kufsadey sida aan warbixinta ku helnay, kufsiga ka dib ayaa ilaa shan xabadood looga shannaqey madaxa, halka dhow xabbo oo kale looga dhuftey jirka intiisa kale.

Dilka Marxuumad Maano ayaa waji cusub u yeelay dilalka aanooyinka ah ee ka dhaca ee magaalada Marka, waxaana tani ay daliil u tahay sida aanay arxanka laheyn Mooryaanta oo dilka haweenka bilaabey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE