Warar Sheegaya In Madaxii Xisbada Kooxda Shabaab Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Lagu Diley Duqeyn Diyaaradeed

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin dowladaha reer galbeedka saacadihii lasoo dhaafey duqeymo ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Sida la aaminsanyahay diyaaradaha aan laheyn duuliyaha ayaa habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafey duqeymo waxay ka geysteen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Duqeyntan ayaa sida illo wareedyo kala duwan ay noo sheegeen lagu qaadey guri ku yaalla Tooratoorow oo ay ku shiraayeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo jagooyin kala duwan ku magacaaban.

War aan helnay ayaa ku waramaya in duqeyntaas lagu diley madaxii Xisbida (Boliiska) kooxda Alshabaab ee Gobolka Shabeelada hoose, horjoogahaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey KAMIIN.

Waxa kaloo jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan hoogayaal kale oo ku sugnaa guriga la bartilmaameedsadey, oo markii duqeyntaas ay dhaceysay halkaas ku lahaa kulan ay uga hadlayeen culeysyada Milateri ee kasoo food saarey dhinaca dowladda.

Qaabka ay u dhacdey duqeynta ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, iyadoo la xaqiijiyey wax yar ka hor in Kamiin iyo rag kale ay joogeen goobta bartilmaameedka uu ahaa.

Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusii xoogeysanaya duqeymaha diyaaradeed ee ay fulinayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay adeegsadaan dowladaha reer galbeedka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE